SAWIRRO QOSOL LEH: Maxay isku yihiin Twinkle Khanna iyo wiilka hareer socda, yaase weyn labadooda?

Bulsha:- Twinkle Khanna waa mid ka mid ah atariishooyinkii ugu soo jiidashada badnaa ee abid u shaqeeyey shirkadda Bollywood Industry, gabadhaan ayaana leh maqaar aysan dhallintu qaban, sidoo kale sunniyo aad u qurux badan, inkastoo ay waayo wanaagsan iyo waayo xubna soo martay hadana Mrs Funnybones waa dooqa taageereyaasha.

Twinkle Khanna maadaama ay tahay gabar aysan dhallintu karin, isla markaana uusan qof walba ku dhiiran karin inay tahay 42 sanno jir, taasi waa sababta ay tooshka ugu shiday wiilkeeda curadka ah.

Twinkle Khanna iyo xubno ka tirsan qoyskeeda ayaa waxay dhowaan aadeen tiyaatarka ku yaalla Juhu, halkaasna waxaa sawir looga qabtay Twinkle Khanna iyo curadkeeda ay u dhashay Akshay Kumar ee Aarav.

Sawirkaas ayaa si gaar ah loogu fallanqeeyey baraha bulshada maadaama Miss Khanna marka dhowr meelood laga eego ayba u muuqato mid ka dhallinyar Aarav. Dadka ayaana xitaa dhihi kara labadoodu waa walaalo.
Waxaa fiicnaan laheyd inay Twinkle sida ugu dhaqsaha badan inoogu sharraxdo sirta ka dambeysa quruxdeeda aan isbedelin ee dabiiciga ah iyo maqaarkeeda dhalaalaya waqtiga oo dhan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment