SAWIRRO: Gabar u dhalatay dalka Italy oo ISGUURSATAY, waxa ku qasbay iyo qaabka uu arooskeedu u dhacay!

Bulsha:- Macalimadda dadka barta jirdhiska Laura Mesi ayaa waxay daaha ka qaaday inay muddo 20 sanno ah raadineysay nin iyada ku habboon (Mr Right), si kastaba ha ahaatee, isku daygeeda waa ay ku guuldarreysatay.

Maadaama ay si dhab ah u qaadatay guuldarrada, Laura Mesi ayaa markaas hor istaagatay muraayadda, waxayna bilowday inay su’aalo weydiiso nafsaddeeda, isla markaana ay isla nafsaddeeda jawaabaha ka hesho.

Sidaas darteed, 40 sanno jirtaan Laura Mesi ayaa jawaabtii ugu habbooneyd ka heshay nafsaddeeda, taasoo ku dhaheysa, maadaama aadan helin ninkii kugu habboonaa ‘Adigu isguurso’.

Xaflad aan nuuceeda dunida hore loogu arag ayeyna ku dhigatay magaalada Lissone, ee gobolka Lombardy ee dalka Talyaaniga, halkaasoo ay timid iyadoo xiran taajka caruuradda, waxayna dadkii ay ku casuumtay xafladda u xaqiijisay inay nafsaddeeda marwo u tahay wixii haatan ka dambeeya oo ay iyadu isguursatay.
Laura Mesi ayaa xitaa faraanti qaas ah isku gelisay si ay u muujiso inay iyadu nafsaddeeda guursatay. Goor dambe ayeyna u sheegtay joornaalka La Repubblica inuu arooskaani ku yimid sharad ay la gashay asxaabteeda iyo qoyskeeda.

“Waxaan u sheegay asxaabteyda iyo qoyskeyga in haddii aanan helin ninka igu habboon illaa maalinta aan ka 40 sanno jirsanaayo, aan markaas guursan doono nafsaddeyda. Sidaas ayaana sameeyey maadaama aan ku guuldarreysatay isku daygeygii aan ku raadinaayey Mr Right.”

Xafladdaan oo cinwaankeeda laga dhigay ‘Laura Mesi Sposa Single’, ama ‘Laura Mesi Single Bride’ waxaa ku baxay 8,700 oo ginni. In ka badan 120 sawir oo xafladdaan laga soo qaaday ayaana baraha bulshada heystay Isbuucaan oo dhan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment