Daawo Sawirada: Sida Guddoomiyaha Baarlamaaka Jabuuti loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Bulsha:- Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barkhanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment