Galmudug oo ka dalbatay dowladda Federaalka in sharciga la horkeeno askarigii dilay Xildhibaanka

Bulsha:- Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay sharciga horgeyso askarigii ka dambeeyay dilka Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdi Guuleed ayaa waxaa toogasho ku dilay mid ka mid ah Ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka.

“Waxaa ka dalbaneynaa dowladda Federaalka inay sharciga horgeyso askarigii dilka u geystay, waa in loo cadaalad falo Marxuumka dhintay oo aan ka sugeyno in dowladdu arrintaas fuliso”ayuu yiri Xildhibaan Ciyow oo la hadlayay Idaacada Kulmiye ee Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Abuukaate ayaa sheegay in askariga dilka geystay iyo qorigiisa uu ku wareejiyay Ciidamada dambi baarista ee CID.

Waxaa uu sheegay in marxuumka dhintay ka hor inta aan la toogan uu gaariga uu watay uu gadaal kaga dhuftay gaarigii uu saarnaa, sidaasna ay toogashada ku dhacday.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee laga soo doorto Galmudug iyo Ehelada iyo Xildhibaanada ku heybta ah marxuumka dhintay iyo Xildhibaan Abuukaate ayaa la sheegay in wada hadal u socdo.
Falkan lagu dilay Xildhibaanka ka tirsan Galmudug ayaa qeyb ka ah falal horay uga dhacay Muqdisho, waxaana inta badan marka gaari uu ku dhawaado gaadiidka ay saaran yihiin Ilaalada Mas’uuliyiinta dowladda ay keentaa inay rasaas ku furaan, cabsi amni darteed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment