DAAWO : Ninkii Dadka gaariga ku jiirsiiyay New York oo ka Dhawaajiyay Hadalo aad loola yaabay !!

Bulsha:- Dhaqaatiir dabiibayay Sayfullo Saipov oo gaari xamuul ah dad ku jiirsiiyay magaalada New York ee dalka Mareeykanka ayaa waxa ay aad ula yaabeen hadal ka soo yeeray ninkaan ka dib markii uu ka soo bogsaday dhaawac caloosha ka soo gaaray .

Sayfullo Saipov oo la wareystay ayaa ugu horeyntii waxa uu dhaqaatiirta dalka Mareeykanka ka dalbaday in loo keeno Calanka kooxda Daacish ka hor inta uusan warbixinta dhiibin , wuxuuna sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay 8-dii qof ee uu gaariga ku dilay .

Ninkan ayaa sheegay in weerarkan labo bil kahor la qorsheeyay, waxa uuna intaa raaciyay in uu la eegtay xili lagu mashquulsan yahay Munaasabada gaalada dhigtaan ee Halloween .

Sayfullo Saipo waxa kale uu sheegay in uu doonayay in calanka kooxda IS uu ku surto gaariga uu weerarka ku geestay, balse in uu iska daayay si aan looga shakinin weerarkiisana uusan u fashilmin.
Ninkan weerarka ka geestay Magaalada New York ayaa Dambi baarayaasha waxa kale uu u sheegay in Kooxda IS ay ku dhiiro galiyeen weerarka gaar ahaan Hogaamiyaha Koodaasi Abuu Bakar Al Bagdaadi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment