LAYAAB:Nin Muslim ah oo Xabsi u galay in uu Guursaday Xaas Labaad iyo Sababta Ka dambeysa !!

Bulsha:- Warhaanhinta Caalamka qaarkood ayaa si weyn u hadal haya dhacdo dadka qaarkood ka yaabisay, kadib markii Nin Muslim ah xabsi ku muteestay xaas labaad uu guursaday.

Maxkamad  ku taal magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa xabsi lix bilood ah ku riday in lagu eedeeyay in uu guursaday Xaas labaad isaga oon ogolansho ka heysan xaaskiisi hore.

Ninkan ayaan maxkamada ka hor sheegay in uu yahay nin Muslim ah uuna xaq u leeyahay in uu guursado xaas labaad, hasa ahaatee Maxkada ayaa diiday dooda ninkaasi.

Xaaska Ninkan oo dacwada u gudbisay Maxkamada ayaa sheegtay in uu ninkeeda xadgudub ku sameeyay, waxa ayna tilmaantay in ay muhiim aheyd in uu ogolaansho qoraal uga heesto guurkiisa labaad.

Garsooraha qaadayay kiiska ninkan loo heesto in uu guursaday Xaas labaad ayaa ugu dambeyn ku riday lix bilood oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareysa 2-kun oo Dollar.

Dadka u dooda xaquuqda aadanaha ee dalka Pakisyan ayaa si weyn usoo dhaweeyay xukunka ninkan lagu riday, waxa ayna tilmaameen in xukunkan uu niyad jab ku ridayo raga doonaya in xaasas badan guursadaan.

Dalka Pakistan oo ah dal Muslin ah ayaa raga loo ogol yahay in ay guursadaan xaasas kale , balse waxaaa shardi ah in ay fasax ka helaan xaaska koobaad ka hor guurka midda labaad.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment