Bulsha:- Bollywood Town labadii sano ee ugu dambeesay noloshooda ma fadhinin waayo jilaayaal caan ah ayaa noloshooda bur burtay qalad ay ayaga galeen awgeed.
Hadaba waxaan sanadkii hore idinla wadaagnay in fanaanka, muusigistaha iyo jilaaga caanka ah Himesh Reshammiya ay xaaskiisii Komal isku dhaceen sidoo kalena isla nooleyn una socdo hanaan ay ku kala tagayaan.
Hadaba xog aan wax badan la ogeyn ayaa haatan banaanka lasoo dhigay oo ah in Himesh Reshammiya uu xaaskiisii qayaamay madaama uu siweyn qalbiga kaga jebiyay.
Waxaa la xaqiijiyay in Himesh Reshammiya uu naag kale ku dul waday xaaskiisa Komal sidoo kalena ay sheekadan ogaatay wuxuuna u sheegay inuusan markale qalad ka gali doonin.

Waxaa la sheegay in habeen habeenada ka mid ah Komal oo hurdeyso seygeeda Himesh Reshammiya xili dambe guriga imaaday wuxuuna taleefoonkiisa gacanta saaray sariirta ay xaaskiisa xiligaas hurdeesay.
Himesh Reshammiya markii uu musqusha aaday waxaa iska soo daba dhaceen fariimo aad u fara badan taleefonkiisa durba musqusha ayuu kasoo baxay wuxuuna bilaabay furista sawirada loo soo diray isagana.
Isla markii xaaskiisa Komal ayaa hurdada ka kacday waxayna aragtay Himesh Reshammiya oo Mobile-ka kaliya ku maqan si dhaqsi ah ayay kaga daftay gacantiisa Mobile-ka!
Komal markii ay fiirisay waxayba aragtay Himesh Reshammiya sawiro qaawanaan ah oo ay usoo dirtay gabadhii ay horey kala hadashay inuu iska dhaafo!
Intaas kuma ekaanin sheekada waxay Komal sii aragtay sawiro ninkeeda u diray gabadha uu saaxiibka lahaa asigoo sidoo kale qaawan ama jirkiisa asturneyn!!
Markaas ayay kala go’een Himesh Reshammiya iyo xaaskiisa Komal haatana islama noolo waxayna si wadajir ah u saxiixeen qoraal rasmi ah oo hader nolosha ayee isku firaaqeyeen kadib markii furiin rasmi ah uu kadhacay maxkamada Mumbai bishii June bilawgeeda.
Himesh Reshammiya wuxuu Komal guursaday asigoo 21-jir ah oo aad u dhalin yar waxayna u hesyaa hal wiil oo lagu magacaabo Swayam, balse Himesh reerkiisa isaga ayaa gacanta ku bur buriyay waxayna wada noolaayeen xaaskiisa mudo 22-sano ah.
Dhawaan ayaa la sheegay inay Himesh Reshammiya iyo Komal wada fariisteen dib ayay u heshiiyeen balse heshiiskooda wuxuu ku saleesnaa inay ka fikiraan mustaqbalka wiilkooda oo ay waalid ahaan u daryeelaan balse nolosha inay isku firaaqeeyaan ayay go’aan ku gaareen taasna wey rumowday oo hada weyba is fureyn.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment