Bulsha:- Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan gabadhiisa Suhana Khan waa 17-jir hadana mar hore ayay noqotay qof caan ah oo baraha bulshada shacbiyad balaaran ku leh.
Suhana Khan waa gabar ay saxaafada baadi goobto xili walbo sidoo kalena bulshada la fal gasho waxayna soo bandhigtay sawirka sare kaasi oo aad loo hadal haayo.
Suhana Khan ayaa markale muujisay inay diyaarsan tahay sidii ay atirisho ku noqon laheyd madaama gabadhaan sheegtay in qorshaha ugu jirto Bollywood-ka kusoo biirto.
SRK ayaa sidoo kale riyada gabadhiisa ka hadlay wuxuuna yiri “Suhana waxay dooneysaa inay jilaa noqoto marar badan ayaan ka helay qaab jiliinkeeda marka ay ruwaadaha iskuulka mataleyso waa qof geesi ah oo masraxa ku wanaagsan”
Waxaan sugnaa Suhana Khan SRK iyo Gauri Khan gabadhooda xiliga ay Bollywood-ka kusoo biiri doonto madaama gabadhaan is diyaarin adag ku jirto
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment