Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisey warqaddii taageeridda xisbiga Waddani

Bulsha:- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay oo sheegtay inaysan jirin warqad uu madaxweynaha Soomaaliya u qoray wakiilka QM ee Soomaaliya oo ku saabsan doorashooyinka Somaliland iyo sidii loo taageeri lahaa xisbiga Waddani.

Saraakiil ka tirsan Maaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online waxay u xaqiijiyeen in aysan jirin waraaq ku saabsan fara-gelinta doorashooyinka Soomaaliland oo u qoray Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo aan la xiriiray ayaa ku tilmaamay arrinkaan mid waxba ka m jiraan, isla markaasna ay haboonayd in ay ka fiirsadaan dadkii faafiyey qoraalada noocaan oo kale ah ka hor inta aysan faafin si aysan qayb uga noqon dadka caadaystay in ay ka been abuuraan madaxda iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu beeniyey warqad la sheegay inuu qoray Danjire Meachel Keating, oo sida la sheegay jawaab u ahayd warqadda madaxweyne Farmaajo loo tiriyey ee been abuurka ah.
Qoraalkan waxaa lagu sheegay in aysan jirin qorshayaal ay isla soo qaadeen Qaramada Midoobey iyo  Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan fara-gelinta doorashooyinka Soomaaliland iyo carqaladaynta xasiloonida iyo amniga ka jira deeganadaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment