Sedex Filim Oo Ay Alia Bhatt Diiday Mid Wey Ka Qoomameesay Labada Kale Waqtigaan U Deynay

Bulsha:- Alia Bhatt waa atirisho dhalin yar hadana sameesay filimo iyo doorar xiligeeda ka weyn kuna heshay amaan, abaal marin, lacag iyo mansab.

Maantana waxay safka hore kaga jirtaa atirishooyinka ugu wanaagsan Bollywood-ka madaama ay door walbo sameyn karto guushana u saaxiib tahay.

Balse xidigaan dhalinta yar fudeedkeeda sedex filim oo qaali ah ayuu dhaaf siiyay oo ay hadii ay sameyn laheyd heerka maanta taagan tahay si lixaad leh sare uga sii kici laheyd.

Alia Bhatt sanadkii hore 2016 waxay iska diiday sameynta filimka Neerja waxaana fursadaan ka faa’iideesatay Sonam Kapoor oo filimkaan ku heshay darajo aysan waligeed gaarin.

Neerja Hit weyn ayuu noqday sidoo kalena sheeko ahaan wuxuu ka mid yahay filimada ugu sheekada wanaagsan oo ay ebid Bollywood-ka sameeyen, dabcan Alia Bhatt go’aankii Neerja ay ku diiday dib ayay uga qoomameesay.
Alia Bhatt sidoo kale waxay iska diiday filimka Raabta inay la jisho Sushant Singh Rajput, waxaana fursadaan ka faa’iideesatay Kriti Sanon.

Inkastoo Raabta noqday filim burburay Alia filimkaan waxaa la dhihi karaa nasiibkeda ayee oga badbaaday waayo mashruucan qasaaro weyn ayaa lagala kulmay.

Ugu dambeyntii Alia Bhatt waxay iska diiday filimka Golmaal 4 waayo filim sameeye Rohit Shetty ayaa xidigtaan kulan la qaatay sidoo kalena la wadaagay sheekada filimkaan.

Alia Bhatt wey ka heshay Golmaal 4 waxayna rabtay inay mashruucaan qayb ka noqoto balse markii Karan Johar iyo Ajay Devgn is dagaaleen ayay xidigtaan Golmaal 4 sameyntiisa ka gaabsatay.

Waayo Alia Bhatt macalinkeeda fanka Hindiya kusoo daray waa Karan Johar sidaa darteed Karan qof uu la dagaalsan yahay inay la shaqeyso ceeb ayay u aragtay!

Ajay Devgn isagana uma sugin Alia ee wuu ka tashtay wuxuuna Golmaal 4 kusoo daray Parineeti Chopra oo siweyn ugu faraxday in mashruuca weyn ee Golmaal qayb ka noqoto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment