DAAWO Video: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay arin Farxad gelisay bulshada iyo Waraysi uu bixiyey

Bulsha:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo weliba sida uu maamulka Banaadir ka yeelayo gaadiidka waaweyn.

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran.

“Wadooyinka sababta loo xirey waa arrimo amni, balse mar walba waxa uu maamulka Gobolka ka shaqeynayaan danaha shacabka ay u shaqeeyaan.”ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.


Isagoo ka hadlayay gawaarida xamuulka qaada ayuu sheegay guddoomiye Taabit inay ku qorsheynayaan in waddo kaliya loo yeelo gawaarida xamuulka qaada taasoo ay haatan wada qorsheynayaan iskaashatooyinka gaadiidka iyo weliba ciidamada taraafikada.

Wuxuu sheegay guddoomiye Taabit in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday ciriiri kadib markii wadooyin jid cadayaal oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka la xirey waxayna taasi qasabtay in gaadiidka oo idil ay laamiyada maraan taasoo xilliyada qaar gaadiidku aysan helin meel ay kala maraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment