MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Gobalka

Bulsha:- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in dalalka deriska uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, isla markaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 ruux ay muujineyso sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aan Al-Shabaab loogu dulqaadan doonin gurmaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqasho qaadatay saddex cisho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday dagaal ay la galeyso Al-Shabaab, isla markaana heegan la geliyay ciidamada dowladda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment