MUUQAAL: Dhaxal-sugaha Sucuudiga oo Go’aan la yaab leh Qaatay ” Islaam Qunyar socod ah ayaan soo celinayaa”

Bulsha:- Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo in uu soo celinayo waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah.

Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo ka dhaceysay Riyadh, ayaa sheegay in ay jiraan isbedel la sameeyay sanadihii 1979-kii, balse saraakiishu ay ka takhalusi doonaan mustaqbalka dhaw haraaga xagjirnimada.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacudi Carabiya waqti isaga lumin doonin 30-ka sano ee soo socda waxka khabashada afkaarta wax burburinaya.


Dadka ka faaloodo arrimahan ayaa u arka dhaxal sugaha in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhowr isbadel oo dhawaanahan lagu sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Waxaa dhawaan haweenka Sacudi Carabiya laga qaaday xayiraad laga saaray wadida gawaarida.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment