Dhaawacyadan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ka qaaday diyaarad gaara oo ay u kireysay dowlada Imaaraadka oo iyadu horay u ballanqaaday qaadista iyo daweynta dhaawacyada.
Dhaawacyada ay muqdisho ka qaaday dowlada Imaaraadka ayaa ah ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda kuwaa oo la geeyay dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya.
Dhaqaalaha ku baxaaya daweynta dhaawacyada ayaa waxaa bixin doonta dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu sameysay ballanqaadka.
Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment