Magacyada dadka Kheyre ku wehliyay safarka Turkey iyo nooca baasabooradooda

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah, ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dawlada Turki.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeelan doona Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalkaas, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Ankara, maadaama ay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, waxuuna shacabka iyo madaxda dalka Turki uga mahed celiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka kooban 13 Qof ayaa u badan Shaqaale ka tirsan Xafiiskiisa oo dhamaantood wata Baasabooro Diblomaasi ah, marka laga reebo Sawir Qaadihiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment