Sawirro: RW. Khayre oo si wayn loogu soo dhoweeyay dalka Turkiga (Daawo)

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Ankara, waxaana uu tilmaamay in madaxda Turkiga uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan uga mahad celinayaa Dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga sidii diirranayd ee ay iigu soo dhaweeyeen magaalada Ankara, maalmaha aan joogo Dalkani Turkiga waxaan kala hadli doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dawladood, isla markaana Dawladda Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xubno kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment