Fadeexada Koonfur Hindiya Ka Taagan: Gabadha Heesaaga Ah Suchitra Oo Sheegtay In Dhanush Uu Gogol Dhaaf La Sameeyay!!…….

Bulsha:- Fadeexo xoog leh ayaa ka dilaacday fanka Koonfur Hindiya kadib markii gabadha heesaaga ah Suchitra arimo badan oo fool xumo ah banaanka soo dhigtay.

Markii hore waxaa la hadal haayay sawirka Suchitra barteeda Twitter-ka lasoo dhigay oo ahaa sawir ka turjumaayay xiriirkii qarsanaa ee ka dhaxeeyay Ranna Daggubati iyo Trisha.

Balse waxaas oo dhan waxaa ka daran in gabadhaan heesaaga ah Suchitra shaaca ka qaaday atooraha caanka ah Super Star Dhanush uu gogol dhaaf la sameeyay!

Suchitra waxay sheegtay in Dhanush iyo muusigiistaha reer Tamil Anirudh Ravichander ay cabitaanka kaniini ugu dareen xili xaflad ka wada qayb qaateen kadibna ay galmo la sameeyeen ayadoo wax ogaal heynin lagana tagay ayadoo qaawan gabadhaan!

Suchita waxay sheegtay sawiro iyo Video laga qaaday ayadoo loo galmoonayo ay ka heshay Mobile-ka Dhanush sidoo kalena ay dhawaan soo bandhigi doono xad gudubkii loo geestay!

Fadeexada Koonfur Hindiya ka jirto ayaa sii baaheyso madaama Suchita barteeda Twitter-ka lasoo dhigay sawiro iyo video fadeexo ku dheehan oo xitaa atirishada Hansika Motwani sawiro ay qaawan tahay iyo dad kale oo caan ah ayaa wax badan banaanka laga soo dhigay.
Xaalada ka taagan Kollywood (Tamil) waa mid kacsan sidoo kalena waxaa lala yaabay xiligaan waxa keenay in gabadha heesaaga ah Suchita dad badan ay eedeyso inay dhib u geesteen weliba gogol dhaaf lala sameeyay ayadoo ogaalka laga qaaday markii cabitaanka wax loogu daray.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment