Faarax Macallim oo Rajjo Cusub helay, Kadib Doorashadii Looga Adkaaday

Bulsha:- Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ayaa ka oggolaatay Faarax Macallin in dib u eegis lagu sameeyo natiijada doorashadii isaga looga adkaada ee la dhacday  Gaarisa, taas oo uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

Doorashadii dhacday 8ddii August ayuu Faarax Macallin ka mid aha dadkii ugu horreeyay ee dacwad gudbiya waxaana ay Maxkamadda go’aamisay in aan doorashada dib loogu laabaneyn laakiin Faarax loo fasaxayo in guddiga doorashada u baaraan sanaadiiqda Codadka,natiijada iyo hanaankii kale ee doorashada la marsiiyay.

James Orengo iyo Daniel Maanzo oo ka mid ah Xeer beegtida Maxkamadda uga wakiilka ah doorashada Gaarisa ayaa sheegay in Qareennada u doodayay Faarax Macallin isku afgarteen in iyada oo goobjoog ay wadayihiin la baaro hanaankii ay u dhacday tirinta Codadka.

Waxaa ay sheegeen in Qareennada Faarax iyo Xeer beegtida Maxkamadda isla garteen in aan dib loogu laaban doorashada maaddaama kiiska doorashada xasaasi yahay sidaas darteena ay tahay in la ilaaliyo amniga degaanka iyada oo baaritaanka natiijadana waxii ka soo baxa loo gacan gelinayo guddiga doorashada kaddibna ay dhan u ridayaan arrintaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment