Bulsha:- Fanaanka Soomaaliyeed Hassan Nuur Sayid oo loo yaqaano Aar Maanta, ayaa waxaanu Filayn kala Kulmay Dawladda Maraynkanka, Kadib markii loo diiday dal ku galka dalkaasi Isagoo dadkii uu la socday looga eegtay Soomaalinimo, waxaana xusid mudan inuuu haysto Sharciga Ingiriiska.
Fannaanka Aar Maanta ayaa sheegay in DFS ay ka gaabisay fududeynta in Mareykanka uu Soomaalida ka qaado xayiraadaha uu ku soo rogay, Wuxuuna sheegay in daciifnimada heysta Somalia ay keentay in lagula dhaqmo cunsuriyad waxa uuna cadeeyay in dib u dhac uu ku imaaday bandhig faneed uu ku qaban lahaa Gobolka Minnesota.
Kooxdiisa ”the Urban Nomads” ayaa la filayay in todobaadkan ay bandhig faneedyo toos ah iyo siminaaro ay kaga qeyb galaan gobolka Minnesota. Laakiin, waxaas oo dhan waa la baajiyay ka dib markii fanaanka ay ka soo daahday Fiisihii uu Mareykanka ku soo gali lahaa.
Kooxdan oo ka kooban 5 qof oo Aar oo kaliya uu Soomaali iyo Muslimba ka yahay ayey afartii kale heleen fiisayaashoodii, laakiin isaga laga heystay muddo badan. taana ay keentay inay baajiyaan safarkoodii maadaama uu Aar Maanta yahay hogaamiyaha kooxda.

Aar Maanta, ayaa talaabadaasi ku macneeyay in ay ka dhalatay isagoo Soomaali ah misena haysta Diinta Islaamka, maadaama xubnaha kale ee kooxdiisa aanay Muslimiin ahayn.
Fannaanka wuxuu dhaliilay wafdigii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ee bishii September booqashada ku tagey dalka Mareykanka inaysan Xukuumadda Washington kala hadlin xayiraadaha ka dhanka ah Soomaalida.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment