Judwaa 2 (Super Hit) iyo hal todobaad ganacsiga heerka sare ee uu sameeyay


Bulsha:- Varun Dhawan filimkiisa Judwaa 2 inuu Super Hit yahay ayay shabakada Boxoffice India ku dhawaaqday madaama uu ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad.

Judwaa 2 wuxuu keenay 95.25 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa kowaad wuxuuna heestaa fursad wacan oo uu ku noqon karo Hit-ka ugu weyn iyo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 2017 oo ay Bollywood-ka sameeyeen.

Judwaa 2 wuxuu sameeeyay todobaadka sedexaad ganacsiga ugu wanaagsan aflaanta Bollywood-ka waxaa kaliya hal todobaad ka lacag badan filimada Tubelight iyo Raees.

Marka laga hadlaayo aflaanta Hindiga ah ee todobaadka kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen taariikh ahaan wuxuu ka galay Judwaa 2 kaalinta 21-aad wuxuuna ku lacag yahay Dilwale (2015) todobaadka kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Judwaa 2 maal maha fasaxa ganacsi heer sare ah ayuu sameeyay sidoo kalena maal maha shaqada filimkaa si wacan ayuu isku celiyay taasi oo xaqiijisay inuu Super Hit yahay sidoo kalena ganacsi wacan sii wadan doono ilaa Diwali laga gaarayo oo 20-ka bishan October ku beegan.
Judwaa 2 wax tartan culus makala kulmi doono Saif Ali Khan filimkiisa Chef oo subaxaan tiyaatarada la saaray madaama magaalooyin kooban laga daawanayo sidoo kalena wax hadal heyn uusan xambaarsaneyn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment