MUUQAAL: Qalabka maamulka Hawada Somalia oo Maanta Xadhiga laga Jaray

Bulsha:- Qeybtii ugu horeysay ee qalabka loogu talagalay Maamulka Hawada Soomaaliya si gaar ahna u quseeya saadaasha hawada oo maanta la Rakibay ayaa waxaa Xariga ka jaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda federaalka ah iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibanao katirsan Baaralamanka Soomaaliya Masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada.


Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameytiro Qalabka Somaaliya ay ku maamuli doonto Hawada, Waxaana sidoo kale lasoo dhoweeyay Dhalinyaro soo Bartay Cilmigaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa inay lasoo wareegto maamulka hawada dhamaadka Bisha October ee sanadkan iyadoo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo Duulsta hawada uu dalka Canada ku saxiixay heshiiskii u dambeeyay ee Somaaliya ay kula soo wareegeyso Maamulka hawadeeda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment