Daawo Sawirada: Nin Ganacsade ah oo guursaday 120 Xaas iyo sida ay ku dhacday !!

Bulsha:- Godadlenimada waa sharci-darro gudaha dalka Thailand, hayeeshe taasi kama joogsan Casanova inuu 120 xaasas guursaday, dhalayna 28 carruur. Waxa qeyrul-caadiga ah waa in dhammaan xaasasku ay is wada garanayaan.

Tambon Praset, guddoomiyaha degmada Phromee, gobalka Nakorn Nayok – 90 km u jirta Bangkok, waxaa dhawaan lagu qabsay inuu qirto 100 haween ka badan inuu guursaday, kadib markii warbaahintu heshay ilo aan la shaacin.

58-jirka ah siyaasi iyo ganacsade leh shirkad dhismo, wuxuu warbaahinta xubno kamid ah kusoo dhaweeyey aqalkiisa si uu ugu iftiimiyo nolosha qoyskiisa. Mar la weydiiyay haddii ay dhab tahay inuu guursaday 100 haween ka badan, Praset wuxuu ku war celiyay: “Waxaan guursaday 120 haween, waxaana ii jooga 28 carruur – gabdho iyo wiilal isugu jira.”

Hayeeshe tiradaas kuma guursan karo sanado kooban. Prasert wuxuu sheegay inuu guursiga ku bilaabay da’da 17 jirka.

“Guurkayga koobaad waxaan jiray 17 sano,” ayuu yiri. “Afadaydii ugu horreysay waxay iga yarayd 2 sano, waxayna ii dhashay saddex carruur ah. Markaas kadibna, waxaan kusii socday guursiga. Badi xaasaskaygu waa gashaantimo da’da 20-jirka ka yaraa. Majecli dumarka waaweyn – waxay kuula dhaqmayaan si buuq badan.”

Markii uu noqday milkiilaha shirkad dhismo, Tambon wuxuu kusii dhaqaaqay caadadiisa, wuxuuna meel walba oo uu guri ka dhisaba ku guursaday gabar. “Degmo kasta oo aan guri ka taago, waxaan ka guursada gabar,” ayuu yiri. “Waan jeclahay dhammaantood. Iyaguna way i jecel yihiin.”

Mar kasta oo uu gabar guursanayo, wuxuu u sheegaa inuu xaasas badan soo guursaday. Wuxuuna sida dhaqankooda yahay uga doontaa gabadha reerkeeda. Sidoo kale, xaasaskiisa ayuu u sheegaa inuu guursanayo. 22 kamid ah ayaa hadda kula nool degmadiisa – halka inta kalana ay ku kala nool yihiin gebi ahaanba Thailand.
Daryeelka 120 reerood ma ahan mid fudud. Balse taasi waxay ku qaadatay noloshiisa oo dhan inuu ku qanciyo. Wuxuu xaasaskiisa ka caawiyaa dhibaatooyinka heysta. Xittaa kuwa aan lahayn guryo ay ku hoydaan, wuxuu u dhisaa guryo.

Laakiin waxa xiisaha goonnida ah leh waxay ahayd xaaskiisa cusub, Nam Fon oo 27-jir ah, taas oo dhinaciisa fadhisay markii uu warbaahinta uga sheekeynayay taariikhda noloshiisa. Mana aysan muujin in yar oo xumaato ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment