Bulsha:- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkan sheegay inuu taageersanyahay go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraadda ku saareen dowladda Qatar.
Go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta baydhabo ku shiray.
Ururada bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiiinta Go’aanka maamulka Koonfur Galbeed uu ka Qaatay Xiisada Khaliijka, waxayna sheegeen inuu yahay Go’aankii ay Dawladda Soomaaliya ka Qaadatay Arintaasi mid Sax ah oo laga Fiirsaday.
Waxay sheegeen inay tahay wax laga Xumaado Hadalka kasoo baxay Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, Taasi oo dhaawacaysa Sharafta Ummadda Soomaaliyeed, Wuxuuna Hareer maray Waxyaabihii loo doortay maamulka.
Ugu Dambayntii waxay sheegeen inaysan Jirin cid uu ku Matalo Arintaasi maamulka Koonfur Galbeed, Waxayna sheegeen Inaan maamulka Koonfur Galbeed ka Fiirsan Arintaasi, Waxayna sheegeen inay maamuladu hada ku socdaan Inay dhahaan Waxaanu nahay dal gaar ah.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment