Bulsha:- Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa kulan la Qaatay Boqor dalkaasi, Dhaxal Sugaha iyo Masuuliyiin kala duwan, Isagoo ka Warbixinaya Kulamada iyo waxa kasoo baxay ayuu yidhi.
“Waxaan kulamo miro-dhal ah la yeeshay Boqorka, Dhaxal-Sugaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqorooyada Sucuudiga, waxaana ka wada hadalnay xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.
Waxaan u mahadcelinayaa dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga sidii qiimaha badnayd ee ay aniga iyo wafdigeyga noo soo dhaweeyeen.
NABAD IYO NOLOL.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment