Wasiirka Amniga Soomaaliya “Anigaa xilkeyga ku weynaya, Hadaan la keenin dadkii geystay dhacdadii Xamar weyne”

Bulsha:- Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku rasaaseeyeen gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, waxaana rasaastaas lagu dilay labo qof oo mid ka mid ah uu ahaa wiil ay dhashay Guddoomiyaha.

Wasiir Islow oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiya ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadan karin in wixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo waddooyinka magaalada ay ku sugnaayeen ciidamo, isla markaana la xiray jid cadayaasha.

“Dhacdadii shalay ka dhacday Suuqa Xamar weyne ma ahan wax loo dulqaadan karo, waa lagu daba jiraa iyo waa la soo qabanaa ma ahan wax na qancineyso, anaga meeshi iskama sii joogi karno, waxaa u sheegayaa Booliska in maalinta Axada ay keenaan dadkii ka dambeeyay falkaas”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhamaan waddooyinka la soo xiray, waddo kasta oo jid cadena la gooyay, isagoo xusay in dad lagu dilo magaalada, lana baxsado ay tahay wax aan la aqbali karin, isagoo xusay in arrintan ay dad badan xabsi u geli doonaan.

“Hadii aad keeni weysaan dadkii ka dambeeyay falkaas, aniga xilkeyga ku weynaya, anaga shacabka xilkaan uma qaadin inaan iska fariisano oo baabuur Bulletproof ku socono, waxaa idin sheegayaa in dad badan ay arrintan xilkooda ku weynayaan xabsina u galayaan”ayuu si kulul u yiri Wasiirka Amniga.
Hadalka Wasiirka Amniga ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay kooxo hubeysan ay degmada Xamar weyne oo ah bartamaha magaalada Muqdisho ku rasaaseeyeen gaari, kuna dileen labo qof, waxaana halka uu ka dhacay dilkaas ay aheyd meel aan sidaa uga fogeyn bar ay ku sugnaayeen Ciidamada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment