Maxaa Ka Taqaana Gavin Packard Laadirkii Filimada 90-kii Xumaanta Ku Jili Jiray…

Bulsha:- Gavin Packard  waa  laadiriinta  90-kii  filimada  Bollywood-ka  aan  laga  waayi  jirin  sidoo  kale wuxuu caan ku ahaa badi  in is  gacan saari jireen atooraha filimka.

Gavin Packard  oo  dhashay  8 June 1964  wuxuu  geeriyooday  18 May 2012  wuxuuna  caan ku yahay  filimada Mohra,  Tadipaa r iyo  Chamatkar  iyo  kuwa  kale  oo  badan  sidoo  kale  wuxuu sameyn jiray  filimada  Malayalam.

Gavin Packard  wuxuu kasoo jeeda Irish American wuxuuna Hindiya ku yimid ciidan USA ka tirsan oo Bangalore loo soo diray.



Gavin Packard  wuxuu ahaa jilaa dhisan oo karateega ku xeel dheer wuxuuna tababaray jilaayaasha Sanjay Dutt, Sunil Shetty,  iyo  Shera,  asigoo  tababar ku  siinaayay  xarunta  Salman Khan.

Packard  xaaskiisa  mar  hore  ayay  kala  tageen  laakiin  waxaa u  jooga  labo  gabbar  oo  lagu  magacaabo  Erika Packard  Iyo  Kamille Kyla Packard.
Gavin filimkiisa ugu danbeeyay wuxuu ahaa Yeh Hai Jalwa  2002 ee Salman Khan hogaamiye ka ahaa sidoo David Dhawan director ka ahaa wuxuun sameeyay jilaagaan ku dhawaa 60 filim wuxuuna filim jilista ku jiray 15 sano.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment