Xog Dareen leh:- Halis dumarka haysata Oo aanay ogsooneen..

Bulsha:-  Telefoonkan noocan loo isticmaalo waa hannaan aan ku arkay haween SOOMAALI ah gaar ahaan kuwooda dhexdhexaadka ah ama waawayn ee qurbaha oo basaska iyo tareennada la raaca, balse xitaa haddii aanan aqoonin gabadhaas waxaan isku dayaa inaan uga digo laba arimood:

1 – Waxay ku fadhisaa BAMBO WAQTIYAYSAN waayo telefoonka xarig la’aanta ah (Cordless) ee gacanta (Mobile) oo awalba in waqti dheer lagu hadlo ay halis tahay maadaama uu sii daynayo shucaaca halista ah ee electro magnetic radiation oo sababa buro ama xitaa kansarka maskaxda (Brain tumor or cancer) ayay misna maro kula dhejisay madaxaaga iyadoo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in haddii aad waqti badan ku hadlayso telefoonka gacanta aad ugu yaraan isticmaasho xarkaha leh sameecadda dhegaha la gashto (Headset).

2 – Waa magaalo joog xumo tii ugu dambaysay waayo habkaas in loogu hadlo looguma tala gelin, mana jiro cid aan haweenkeenna ahayn oo telefoonkan sidaa madaxa u surata, kuna darsoo wixii muhim ah daqiiqado ayaa lagu kala bogan karaaye inta badan marka telefoonka sidan madaxa loo gashto waxaa la wadaa bla bla bla iyo KALAAM FAARUQ ah.

FG: Iska jir inta goori goor tahay oo jooji dhaqankan sirgaxan oo labadaas siyaaloodba kuugu daran.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment