Bulsha:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.
Saddexda degmo e ela magacaabay ayaa kala Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyadoo degmooyinka gobolka Hiiraan haatan gaaray siddeed degmo.
Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne, Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan. Magacaabista degmooyinkan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu magacaabo Madaxweynaha Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa dhowaan dhisay maxkamado islaami ah oo ka howlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment