Maxaad kala socotaa sababta saldhigyada ciidan ee tirada badan ee Jabuuti laga sameysanayo

Bulsha:- Shiinaha ayaa maanta si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii la soo dhaafay.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Jabuuti waa dal yar oo ku yaala badda cas, balse waxa saldhigyo waaweyn oo ciidamo ah ku leh Maraykanka, Faransiiska oo horey u gumeysan jirey dalkaasi, haddana waxaa saldhig kale ka furanaya Shiinaha oo ay iska cadahay dahana sii kordhaya ee uu Jabuuti ka leeyahay.

Haddaba maxay tahay sababta dalkani yar ee Geeska Afrika ku yaala ka dhigaya magnad soo jiita saldhigyada ciidamada dalalka shisheeye ee quwadaha waaweyn ee adduunka ah?

Xasiloonida

Darajada Jabuuti ee ah dal xasilooni ay ka jirta, kuna yaala gobol xasarado badan ay ka jiraan ayaa ah faa’iidada ugu weyn ee ay Jabuuti heysata, soona jiidanaya saldhigyada.

Waxa ay dhacdaa marinka ay gudbaan maraakiibta ee Baabul Mandabka, halkaasi oo looga sii talaabo Kanaalka Suweys, halkaasi oo ah marin-biyoodka adduunka ugu mashquulka badan ee maraakiibta ganacsiga ay isticmaalaan.

Jabuuti ayaa deked u ah dalka aanan badda lahayn ee Itoobiya, iyada oo dhawaan la rakibay qad tareen oo labada dal ka dhex shaqeeya.

Mashaariicda dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee Shiinuhu ka wadaan halkaasi sida garoomada iyo dekadaha ayaa ah wax ka muuqda oogada dhulkan, si la mid ah dalalka kale ee Afrika.

Balse u dhowaanshaha Jabuuti ee dalalka ay xasaradaha ka jiraan ee Afrika iyo Bariga dhexe ayaa ka dhigaya mid soo jiidata saldhigyada ciidamada dalalka shisheeye ee quwadaha waawayn ah.

Tusaale, Soomaaliya oo Jabuuti ka xigta dhanka Koonfureed ayaa waxa ay muddo dheer ahayd meel ay dagaalo halakeeyeen, iyada oo ay kasoo ifbaxeen kooxaha burcad badeeda iyo waliba Alshabaab oo halis aad u badan ku heysa amniga gobolka oo dhan.

Sidoo kale Yemen oo Jabuuti u jirta 20 mile oo kaliya, kagana beegan dhanka waqooyi-bari ayaa waxaa ka socda dagaalo . Dagaaladan ayaa waxa ay adduunka ku qasbanayaan in ay soo farogaliyaan, sidaasi darteedna waa in ay saldhigyo ciidan ka samaystaan meelo u dhow oo durba hawlgal laga fulin karo.
Jabuuti waxa ay martigalisaa tirada ciidamada militariga Maraykanka ugu badan ee Afrika jooga, waxayna ku suganyihiin saldhiga lagu magacaabo Camp Lemannier, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso illaa 4,000 oo askari.

Mar uu Afrika socdaal ku marayay xogyahihii hore ee Maraykanka John Kerry ayuu saldhigani lugta sii mariyey, taasi oo calaamad u ah muhiimada ay Maraykanka u leedahay Jabuuti.

Inkasta oo dalalka Faransiiska iyo Japan ay Jabuuti ka fuliyaan hawlgalo, haddana waa Shiinaha dalka danihiisa halkan ay karaar dhaafayaan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waraysi uu dhawaan siiyay wakaaladda Wararka AFP ku sheegey in Jabuuti iyo Shiinaha ay kala saxiixday heshiis dhigaya in Shiinaha uu saldhig ciidamada badda ah ku yeesho dalkaasi Jabuuti, wuxuuna noqonayaa kii ugu horeeyey ee uu Shiinaha ka samaysto meel ka baxsan dalkiisa.

Xukuumadda Biijiin ayaa diidey in ay xaqiijiso jiritaanka heshiiskaasi, balse wararka ku saabsan saldhigga waxa uu aad u walwal galiyey dowladda Maraykanka.

Xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa cabasho ka muujiyey in danaha Maraykanka ay halis gali doonaan haddii Shiinaha uu halkaasi ku xidideysto.

Walwalka Maraykanka ayaa kasii daraya marka la ogaaday in saldhigga Shiinaha laga furayo waqooyiga gobolka Oboq ee Jabuuti, kaasi oo shiiqinaya saldhiga yar ee Maraykanka Jabuuti ku leeyahay.

Ciidamada Shiinaha waxa ay sidoo kale galaangal u yeelan doonaan garoon diyaaradeed oo halkaasi ka dhow, kaasi oo haddaba Shiinaha ay dhisayaan sida laagu daabacay wargeyska arrimaha sirdoonka ka faalooda ee Indian Ocean Newsletter.

Saldhiga Maraykanka waxa uu kusii ooli doonaa halkiisa , Camp Lemonnier, iyada oo heshiiska ay halkaasi ku degenyihiin dhawaan waqtiga loogu daray 10 sano oo dheeraad ah.

Shiinaha dhawaan waxa ay dalka Suudaanta Koonfureed u direen ciidamo gaaraya 700 oo askari, si ay u difaacaan danaha shidaal ee ay halkaasi ku leeyihiin, waxayna taasi caddaynaysaa in Shiinaha ay diyaar u yihiin in ay sidoo kale difaacdaan danaha ganacsi ee gaaraya $200-da bilyan ee Afrika uu la leeyahay.

Waxaana taasi qeyb ka noqon kara in laga hortago weerarada burcad badeeda ay u geysan karaan maraakiibta shixnadaha ganacsiga sida ee u kala goosha bad-weynta Hindiya iyo badda Shiinaha Koonfureed.

Muwaadhiniinta Shiinaha ee ka shaqeeya mashaariicda waaweyn ee Afrika ka socda ayaa ka faa’iideysan kara saldhig ciidan oo meel u dhow laga furo, waxaana tusaale loosoo qaadan karaan boqolaalkii qof ee Shiinaha u dhashay ee laga daadgureeyey Yemen iyo Liibiya markii ay dagaalada ka dhacee

Maraykanka ayaa Jabuuti siiya $63 milyan oo kiro ah sanad kasta, halka Shiinuhu bixiyo $100 milyan, taasina ay sii dheertahay mashaariicda ay halkaasi ka wadaan, sidaasi darteed waa ay adagtahay sabab loogu maleeyo in Jabuuti ay kala doorato Maraykanka iyo Shiinaha.

BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment