XIISADA KHALIIJKA: Fadeexad kale oo ku soo baxday Imaaraadka Carabta

Bulsha:- Iyadoo ay bishii labaad gashay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka tagaan Khaliijka ayaa fadeexad kale ay ku soo baxday dalka Imaaraadka Carabta.

Sida ay qortay Majallada NEWSWEEK Imaaraadka ayaa olole u galay in safaaradda Daalibaan ku yeelanayso dibadda laga furo Abu Dhabi, halkii magaalada Doha ee dalka Qatar ay martigelin lahayd.

Qoraal sir ah oo la faafiyay ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Mareykanka ka codsatay, kuna dhiirigelisay in Qunsuliyada Daalibaan aan laga furin magaalada Doha ee la geeyo Abu Dhabi, sida ku cad farriin uu diray agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka Mohamed Mahmoud Al Khaja una diray Jeffrey D. Feltman oo ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mareyanka.

Safiirka Imaaraadka ee Mareykanka Yousuf Al-Cuteyba iyo madaxda isbaheysiga Sacudiga ayaa Qatar si is daba jooga ugu eedeeyay inay taageerto argagixisada, iyadoo ku doodaya in xafiis ay Daalibaan leedahay laga furay magaalada Doha, kaasoo hadda noqday mid ay Imaaraadku olole u galay si dalkiisa looga furo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment