Secret marriage known as Qudbo Siro

Bulsha:-  ((Asc sheekh jisakalaah waxaa ku weeydinaa nin ayaa ku gursaday qudba siro ama ma aana usheegin waalid keey marka hadaa gursaday ayaa maqlay waa baadil ee maxeey ka qabtaa dinta))….
Jawaab:
Alxamdulilah …maalinka ugu yar mar iyo labo ayaa lay weydiiyaa, qudba siro, rag iyo dumar.. Waa arrin Soomaalida ku badan si kastoo looga wacdiyo.. Waxaana qayb weyn ka ah baahida ay markaas labada ruux qabaan, iyo aqoon darrada..

Qudba sirada dadka qaarba nooc ayey u yaqaanaan: waxaase kulmiya: Sirta!
1) Mid ninka iyo gabadha ayaa u tegaya wadaad wilaayada ayey ku wareejineysaa, ka dibna guursaneysaa..

2) midna weliyada mid ka mid ah ayaa ku meherinaya si hoose, oo aan cid kale ogayn..
3) waxaaba soo baxay kuwa teknoliga la socda oo skype labada is raba keligood ayaaba sheegaya iney is mehersanayaan! Waa tan ugu yaabka badan..
Sidey noqotaba guur aan weligu ogayn ma ansaxayo sida xadiiska saxiixaa sheegayo.. Culimada ansixisayna waxaa dhici karta inaan xadiisku gaarin dadkana wuu ku faafay..rag iyo dumarna wey fududaystaan sidaan sheegay, waana in laga waantoobo, oo guurka waa masuuliyade wadadiisa la mariyo…



Gabdhaha ayaana inta badan ku khasaara qaba guurka noocaasa ee aan ansaxa ahayn..
Bal haddaba Gabdhow ka digtoonaada guur aan weligiinu idin la ogayn, raggana waxaa loo sheegi xadiisku inuu nikaaxa noocaasa baadil 3 goor ku tilmaamay..










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment