Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Rasmiga Ah uu Ninku Laba Naag U Guursado!!

Bulsha:- Haween badan ayaa is weydiiya mar walba sababta ku qasbeysa ninku in uu naag kale guursado,cilladda ma xagga dumarkaa? mise ragga? su,aashaani waxay noqotay mid ku soo noq noqota maanka iyo maskaxda dumar badan iyaga oo hilin jawaab sax ah oo arintaan la xiriirta,ilaa iyo hadana waa su,aal ay gabar kasta is weydiiso ayna jawaab u helin.

Hadaba baaritaan dhawaan la sameeyay oo ay ka qayb galeen in ka badan 90 kun oo rag ah oo ku kala nool meelo badan oo caalamka ah ayaa waxaa lagu ogaaday oo ay ragani iskaga mid noqdeen in sababaha ku qasbaya raggu in ay naag kale guursadaan ay tahay xaaladaha soo socda:

1- Haddii naagtu ay ahmiyad siin weyso nadaafadda jirkeeda iyo quruxdeeda oo ay ku mashquusho mar walba shaqada guriga oo kaliya.

2- Haddii Naagtu u dhaqmin sidii qof la qabo oo kale ,oo iskana dhigta una dhaqanta sida gabar wali guriga hooyadeed iyo aabaheed joogta oo kale ,oo mar walba uun ku xeran cideeda wax walba oo ninkeda iyo gurigeeda ku saabsan u tabisa ,oo ilowday in ay guri leedahay oo ka duwan kii ay ka timid oo noloshana ay tahay in ay la wadaagto odeygeeda wax walibana la qaybsato asaga.wax uu rabina ka dheeraata.
3- Haddii naagtu ay tix galin weyso kalana garanweyso waqtiyada shaqada iyo nasashada ninkeeda, ayna isku dhax yaaciso hawsha oo dhan caruurtana daryeeli weyso ninkuna u arko in uusan nasasho xageeda iyo caruurtaba heysanin.

4- Haddii naagtu aysan lahayn wax dareen xagga galmada ah oo ay iskugu mid tahay in galmo la sameeyo iyo in la iska dhaafo ,oo uu ninku mar walba kaligiis dalbanaayo uun kulanka sariirta ,naagtuna muujinin jacayl dareen la jiro dhanka sariirtana aan si aad ah loola wadin lagana qancin.

Qodobadaan ayaa ay isky raaceen in ay sabab u tahay dhammaan raggii ka qaybgalay baaritaankan in ay naag 2aad la guursadaan xaasaskooda.taas oo sababtay in ninku uu u badnaado lana noolaado mar walba naagta labaad sababtoo ah asaga oo ka soo fiirsaday qodobadana kala hadlay ayuu naagta labaad guursadaa.

Ugu danbeyntii aqriste adigu maxay kula tahay in ay sabab u tahay guurka ragga ee naagta 2aad??










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment