Arooska Qarsoodiga ah, Qudbo siro :: Doodwadaag culus

Bulsha:- Guurka Qarsoodiga ah ama qudbo sirada sida qof walba ay u taqaano waxa si wacan loogu arki karaa dhamaan gobolada Somalia Min tuulo magaalo ilaa baadiyaha marka maanta waxaynu ka doodeena arinkaas, dadka taageera iyo kuwa kasoo horjeedaba



Marka hore inta aanad dooda & su’aalaha u gudbin sheeko gaaban oo run ah kuna saabsan arooska qudbo sirada ah..

Waxaa jira yar reer hargeisa ah in uu sxb la ahaa gabar aad u qurux badan oo da’yar mudo dheer ka bilaabato markii ay 14 years eheed ilaa hada oo ay 18 years tahay ..

sxb tinimadooda ayaa waxa ay kasoo bilaabatay markii ay da’dooda qaan gaarka soo gashay, waxa ay isku bedeshay jaceyl, kadibna 2008 kii ayay hoos iska meher sadeen, ( qudbo siro)

gabadha hadii aan xoogaa ka faaloodo, ( waan arkay gabadha ) waa gabar xoogaa cad, aana gaabneen, qurux leh, hadana ardayad xishood badan oo degan ah, qofkii arka aananba is dheheen qoftaan hoos ayaa laga qabaa, damac ayaa kaa galaayo hadii aad aragto, really aad ayaad oga helee hadii aad indhaha saarto

okay, sidii ay isku qabeen ilaa mudo 8 bil ah waxaa dhacday in gabadhii ay u sheegto gabdho ay sxb ahaayeen, ayagana warkii waxa ay usii gudbiyeen gabadha cideeda, arinkii banaanka ayuu imaaday, hadana waxaa kaaga sii daran labada cid waa daris wiilka iyo gabadhaba , si wcana way isku yaqaaniin

gabadhii aabaheed aad ayuu oga naxay waayo gabadha waxa ay eheed miskiin aqyaar ah ardayad xishootana ah oo da’yar, gabadhii ka weeneed xataa wali lama guursan

Xabsi guri ayaa lagu xukumay gabadhii, wiilkiina waxaa la dhahay naga soo garbax waayo gabadha adigaa mehersatayee.

wiilka asigana waa arday ka baxay dugis sare, balse wax shaqo ah aanan heen, balwad na leh

arinkii wa isku cakirmay, wiilkii hada waxa uu aaday Jabuuti halkaa ayaa waxa loogu yeeray in uu ka shaqeesto

sheekada intaas ayay hada mareesaa waxa atna kashifmatay isla bishan labaad bilawgeeda

Marka waxaan aad iyo aad u jeclahay in aan arinkaan halkan ku lafa gurno kana doodno …. soo dhawaaaaw fikradaadana halkan ka dhiibo

Su’aalo kooban

Aroos ka qarsoodiga ah sida la og yahay waxaa u badan dhalin yarada wiilal & gabdho, marka maxay tahay ujeedada 1aad ee qofka ku qasbi karta inuu arooskaas qarsoodiga ah sameeyo???

miyaanan loo baahneen hadii gabar laguursanayo in waalidkeeda laga doonto??

waalidku miyuusan xaq u leheen in uu ogaado gabadhiisa hadii la guursanayo??

maxaa ku jaban in gabadha marka hore dadkeeda laga doonto??

maxay tahay faa’iidada ugu weyn ee labada ka heli karan Arooskaasi Qarsoon ??

miyaanan laga cabsi qabin dhibka imaan kara maalmo iyo mudo yar kadib ???

gabadha hoos laga mehersanayo miyeesan ogeen in arinkan ay sameeneeso dhib oga imaan karo ??

Hadii ay isku dhacaan labada qof ee hoos iska mehersaday maxaa u danbeen doona xiriirkooda ??

Mustaqbalka gabadha maku Haboon yahay in hoos laga mehersado ???

Dhinaca Kale ::::::::::::::::::::

Dhinaca Kale
Dhinaca Kale

Waxaa Macquul ah in labada qof ay si fiican isku jecel yihiin ama ay dan weyn ka leeyihiin arooska qarsoon, hadii ay waalid u tagaana uusan waalidku ka yeeleen.
Marka miyaanan la dhihi karin arooska Qarsoodiga ah xiligaas oo kale waa lama huraan ??

Hadii aadan wax heesan gabadhana ay kugu rabto sidaa arooska qarsoona ay raali ka tahay maxaa diidaya in arooska la sameeyo??

hadii aad xiriir sameesaan gabar, damacna yimaado maxaa ku jaban si la isku xalaaleesto in xataa hoos la iska mehersado??

Arooska qarsoon soo faa’iido weyn uma aha labada dhinac gabadha iyo wiilka mar hadii ay dhib iyo sheeko dheer , waalid iyo arimo culus aysan galeen ??











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment