Bulsha:- Filimka Stylish Star Allu Arjun ee Duvvada Jagannadham (DJ) ayaa ganacsi wanaagsan sameeyaya isbuuc koowaad ee uu tiyaatarada saaran yahay.
Sida Ay xaqiijisay Shabakada Andhara Boxoffice filimak DJ wuxuu isbuuciisa koowad dhul weynaha Telugu Ap/Nisam ka keenay 50.28 Crore lacagaha nadiifka ay ka heleen kooxda cajaladaha qeybiyeen halka lacagaha guud uu keenay 70.20 crore.
Filimka DJ wuxuu gobalka Karnataka uu ka keenay 5.94 crore taasi oo ka dhigan in isbuuca koowaad filimka Duvvada Jagannadham uu gudaha hindiya ka keenay 56.24 crore.
Filimka DJ wuxuu ganacsi wanaagsan ka sameynaayo USA asigoo isbuuciisa koowaad uu soo xareeyay 6.40 crore halka dunida inteeda kale uu ka keenay 2.60 crore.
Sidaa daraadeed filimka Duvvada Jagannadham (DJ) isbuuciisa koowaad isku darka gudaha hindiya iyo daafaha caalamka ka keenay 92.20 crore waxayna kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen 61.50 crore.

Wuxuuna filimka Duvvada Jagannadham (DJ) ku guuleysan karaa marka saami ahaan ay kooxda cajalada qeybiyaan ka helaan 80 crore.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment