Bulsha:- Iyadoo Wasiirka arimaha dibadda Qatar uu shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka biya diiday fulinta shuruudaha kasoo baxay dowladaha isbaheysiga Khaliijka, ayaa waxaa hadana soo kordhaaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sababta ay Qadar u diiday Shuruudaha.
Max’ed Bin C/raxmaan Al-Taani oo ah Wasiirka arimaha dibadda Qatar, ayaa sheegay in dowladiisa aysan ku qanci doonin qodobada ay isla xariiqeen dowladaha isbaheysiga ee Khaliijka.
Al-Taani, waxa uu sheegay in sababta diidmadooda ay tahay mid la xiriirta in dowladaha Khaliijka ay doonayaan in Qadar ay ula dhaqmaan sida maamul iyaga ka tirsan, waxa uuna Siyaasad aad u liidata ku sheegay shuruudaha ay isla xariiqeen Isbaheysiga.
Al-Taani, oo shir Jaraa’id ku faafiyey diidmadooda ku aadan dhowrka qodob ayaa sheegay in Qadar ay dareen gaara ka qabto qodobadaasi, waxa uuna qiray inay jiraan faragalino muuqda oo lagu sameynaayo wadamada Khaliijka ee uu Khilaafka u dhexeeyo.
Al-Taani, ayaa bidhaamiyay in qodobada kasoo baxay Isbaheysiga uu yahay mid lagu soo xariiqay Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Trump, hayeeshee aanu waxba ka khuseyn.
Nuqul kamid ah hadalka Al-Taani ayaa ahaa ”Shuruudahan ma aqbali karno, wadahadal se diyaar baan u nahay, Qadarna maaha mid ka awood yar Sacuudiga”

1-Dowlada Mareykanka oo todobaadkii tagay Qadar ku amartay inay aqbasho qodobada kaga imaan doono Xulafada, waxa ayna Qadar ka muujisay diidmo maadaama sandulo looga dhigay.
2-Sirdoonka Dowladaha Turkiga, Ruushka iyo Farance oo Qadar ku wareejiyay macluumaad muujinaaya in dowlada Mareykanka ay u maleegeyso dabin.
Sidoo kale, Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.
Dhinaca kale, dowlada Qadar ayaa kordhisay cadadka Diyaaradaha iyo Hubka ay ka iibsaneyso dowlada Mareykanka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment