Bulsha:- Shalay oo ku beegneyd 30 June 2017 waxaa si rasmi ah loo bilaabay abaal marinta SIIMA Awards (South Indian International Movie Awards) oo sanadkaan lagu qabtay Abu Dhabi .
Maalinta koowaad ee abaal amrinta SIIMA Awards waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah jilaayaasha ugu caansan koonfur hindiya waxaana maalinta koowaad abaal marinta la siinaaya jilaayaasha Telugu Iyo Kannada.
Dhinaca Telugu atooraha ugu wanaagsan waxaa ku guuleystay Young Tiger Jr Ntr oo ku qaatay bandhiga filimkiisa lawada amaanay ee Nannaku Prematho.
Halka atariishada ugu wanaagsan dhinaca Telugu ku guuleysatay Rakul Preet Singh oo iyadana sidoo kale ku qaadatay bandhiga filimkeeda Nannaku Prematho.
Filimside waxay leedahay hampalyo JR NTR Iyo Rakul Preet Singh oo guuleysteen atooraha iyo atariishada ugu wanaagsan ee Telugu abaal marinta SIIMA Awards 2017

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment