Qaraxyada Al Shabaab ay ka Fuliso Gudaha Dalka oo Loo Adeegsado Hubka Ciidamada Amisom

Bulsha:- Qaraxyada ay ururka Al Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la ogaaday inay u adeegsadaan hubka ay ka furtaan ciidamada Amisom, xilliyada ay weeraraan Saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamadaasi.

Warbixin laga soo saaray Baaritaan ay sameeyeen Saraakiil reer Galbeed ah ayaa lagu xaqiijiyay in badi aaladaha qaraxyadaasi ay ka sameeyaan Shabaabka ay yihiin bambooyinka kala duwan ee ay ka qaataan xeryaha Amisom.



Greg Robin oo ka mid ah Saraakiisha sameysay Baaritaankaan ayaa Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in Baaristooda ay ku ogaadeen aaladaha kala duwan ee Shabaabka ay qaraxyada ka sameeyaan.

Wuxuu shegay Baaritaanka ay sameeyeen oo ay maalgelisay Dowladda UK in lagu ogaaday macluumaad dhameystiran oo la xiriira qaraxyadaasi.
“60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Somaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sameeyay hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha Amisom.” Ayuu yiri Greg Robin oo Wareysi siiyay Jariirada Daily Nation ee kasoo baxda dalka Kenya.

Aalada wax qarxisa ee RDX EXPLOSIVES oo sidoo kale loo yaqaan “Cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyay hubkii ay ka qabsadeen ciidamada Amisom.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment