Jooji Siigada hadii kalse cudur ka qaadee

Bulsha:- Talada Koowaad: Waxaan kula talinayaa dhallinta marka hore inay akhristaan oo ay fahmaan cilmibaadhis yada iyo daraasadaha kala duwan ee maadadan laga suubiyey, waliba waa inay si wanaagsan u dhuuxaan nuxurka, xikmadda iyo murtida, dabadeed ay xisaab la galaan nafahooda, iyagoo runta u sheegaya oo fahamsiinaya duruuftooda & dareen kooda.

Talada Labaad: Waalidiinta Soomaaliyeed ee qiimaha badan waxaan ka codsanayaa inay dhallinyarta u fudaydiyaan inay degdeg u guursadaan, guurkana ka dhigaan mid guul ah oo la fahmi karo oo la jaanqaadi kara duruufta nololeed ee waayaha iyo garaadkooda. 5000 oo Dollar oo ilmahaaga jaamacad kaga bixiso asagoo la nool kacsi badan, oo sinno ama siigo inuu ku dhaco khatar ugu jira, waxaa ka khayr badan adoo intaas ugu guuriya.

Talada Saddexaad: Ciddii aan awoodin inay guursadaan waxaan kula talinayaa inay awooddooda ku bixiyaan meelo kale oon ahayn Siigada. Waxaan dhallinta ka codsanayaa inay akhristaan maqaallada afarta qormo ka kooban een ugu magac-daray “Aragtida Doobnimada iyo Aragtida Guurka” siiba qormada saddexaad oon uga hadlay habab ka kala duwan ee awoodda loo xakamayn karo. Raac linkigan oo guji.
Talada Afraad: Waxaan ku talinayaa in dhallintu ay cilmiga bartaan siiba diinta, iyo maadiga wixii nafci leh, si taas lamid ahna ay daraasadeeyaan dhaqan keena wanaagsan ee aynu leennahay. Waxaan ku talinaya in dhallinta maadadaas samaysa ay saaxiibadooda aan wanaagsanayn beddelaan, sidoo kale, in qofku qalbigiisa iyo maankiisa ku mashquuliyo sida: shaqo, waxbarasho, jimicsi, cibaado iyo dad uu la sheekeysto sida, kuwa isla deegaan ka ay yihiin, ama warbaahinta bulshada,



Talada Shanaad: Inuusan daawan aflaamta galmada ee xaaraanta ah, iyo sawirada qaaqaawan. Sidoo kale, inuusan xidhan dhar jilicsan oo xubintiisa ku lismaya ama uu iska badin cuntada nafaqada leh, inuu ka fogaado is dhexgalka ragga iyo dumarka, inuu jiifsan isagoon hurdo haynin si uusan galmo ugu fekerin oo u siigaysan, iyo inuu go’aan adag ka qaato oo ka dhabeeyo. Dhammaan intaasoo dhan waan ku talinayaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment