Baabka Afraad: Caafimaadka Galmada

Bulsha:- Waxaa mar kasta dhakhaatiirta u yimaada dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda. Ha yeeshee, lama helayo jawaab ku wada habboon dadka oo dhan, sababta oo ah bani’aadmigu waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka jinsiga, sida uu ugu kala duwan yahay xagga da’da, awoodda, dareenka, iyo wixi la mida.

Waxaa la yiri, “Qofka caaqilka ahi waa kan saddex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan badsan: cuntada, socodka iyo galmada.” Waxa kale oo la yiri, “Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu guraa.” Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel yahayna wuxuu yiri, “Saddex baan la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka).”

Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri, “Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood ha ku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan ku jiidjiidi lahaayeen.”

Culimada Islaamka qaar uu Cali bin Abii-Daalib ugu horreeyaa waxay go’aamiyeen in ninku u galmoon karo xaaskiisa hal jeer afar iyo labaatankii saacba (habeen iyo maalin), inayba dhiig qabto mooyee, halka qaar kale ka gooyeen inuu afartii maalmoodba mar u tago, maadaama uu Alle afar dumar ah u banneeyay, hadduu caddaalad wax ugu qaybinayana ay mid waliba afartii maalmood maalin leedahay. Tiradaasi -bay leeyihiin- intaas wuu ka yarayn karaa ama ka badin karaa, ha yeeshee waa inuu xaaskiisa la tashadaa, il gaar ahna ku eegaa rabitaankeeda, inkastoon haween la harraad goyn karin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, labada ruux ee isqabaa waxa ay isu galmoon karaan mar kasta oo ay iska gartaan rabitaan iyo inay u dul-qaadan karaan galmada, iyagoon dareemin wax aan ka ahayn xoogaa yar oo daal ah oo yimaada kolka ay hawsha galmadu dhammaato. Tusaale ahaan, hadday galmadu dhacdo habeen, waxa lama huraan ah in daalka ka dhashaa uu baaba’o jiifka hortiis, subaxdiina labada ruux ay shaqadooda u baqoolaan iyaga oo ay ka muuqato firfircoonaan dheeraad ahi. Haddiise ay toosaan iyaga oo daal iyo tamar-darro la ildaran, jirkoodana meel waliba jaban tahay, ama ay dareemaan gaajo iyo lalabbo, amaba cajarrada oo uu culays ka saaran yahay, iyo weliba jilbaha oo xanuunaya, waxaasi oo dhami waxay tusaale u yihiin in habdhiska taranku uu gudbay xuduuddii awooddiisa iyo qaaciddadii macquulka ahayd. Waxaad haddaba halkaasi ka garan kartaa in firfircoonaanta iyo caafimaad qabka maalintii ay daliil u yihiin inta jeer ee saxda ah ee la isu galmoon karo.

Waxaa jirta in ciyaaraha isboortiga, iyo wixi la mida, ay qayb libaax ka qaataan dhismaha jirka. Ragga feerka ciyaara mar kasta oo ay murqohoodu sii dhismaan, jirkooduna sii xoogaysto, xiniinyahoodu waa ay sii yaryaraadaan. Ragga caynkaasi ahi kolka ay gaboobaan ma tamar-darreeyaan, sababta oo ah waxa sii baaba’a qanjirradooda taranka. Ha yeeshee dumarka aan loo galmoon, jirkoodu waa uu kala daataa iyaga oo dhallinyaro ah, sababta oo ah ugxan-sidayaashooda ayaa joojiya soo saarista ugxanta.
Sida caadiga ah, kolka galmada hore ay dhex marto labada ruux ee isqaba, geedka ninku waa uu damaa, dabeetana waxa labada qof qabta wax aad lulo mooddo oo ah daal iyo macaan isku dheehan. Waxase jira rag kolka ay biyabbaxaan uusan geedkoodu damin, awoodna u leh inay mar labaad galmo sameeyaan. Ragga qaar baa saddex ilaa afar jeer oo isdaba joog ah biyabbaxa isagoon geedku ka damin, waxase aanu shaki ku jirin in mar kasta oo ay galmadu badato ay awoodda raggu sii yaraato, yaraatana xawada ay tuurayaan ilaa ay eber gaarto. Qanjirrada taranku si ay mar labaad u soo daayaan xawo bisil, waxay ugu yaraan u baahan yihiin toban saacadood. Sidoo kale dareenka macaansi ee ninku waa uu yaraadaa galmada labaad ama tan saddexaad kadib. Biyabbaxa (gariirka) naagtu isagu waa uu ka duwan yahay kan ninka, dhismeheeda oorganeed baana u oggolaanaya inay inta ay doonto galmo ka qayb qaadato.





Waxaa la arkaa in haweeneydu ay awooddo inay ninka hoos seexato oo uu ka xaaja guto, iyada oon gaarin heer kacsi ay ku biyabbixi karto, ha yeeshee haweeneyda caykaasi ahi kolka ay hoos jiifto gacalkeeda ay jeceshahay, waxay biyabbaxdaa 2 illaa 3 jeer intuusan isagu biyabbixin. Waxaa weliba la sheegaa in aanay haweeneydu ka daalin kacsi ilaa ay ka hoos istaagto ninkeeda, haddii i











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment