Dumarka waa weyn oo loo galmoodo oo lashegay in ee cafimaad daro kujirto daawo muqaalka

Bulsha:- Waxa ay u eegtahay in wadanka England ay xaraarada raaxada sariirtu aad u badan tahay. Taas oo keenta dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaadha lamaanaha hawsha u gaarka ah ku guda jira. Hadba arintan ayaa waxa baadhitaan ka soo sameeyay Phonepiggybank si loo ogaado dhaawaca soo gaadha lamaanaha marka ay raaxaysanayaan oo xaraaradoodu meel sare marayso iyo sida ay u dhacaan.

Baadhitaan ka dhacay wadanka England oo waraysi laga qaaday 1000 qof ayaa waxa la waydiiyay noocyada galmada iyo dhaawacyada ka soo gaadha marka ay raaxaysanayaan. Baadhitaanka ayaa waxa lagu ogaaday in sanad walba boqolaal kun dhaawac ka soo gaadho xiliga ay raaxaysanayaan.

Hal kamid ah seddexdii qofba mid ayaa waxa ka soo gaadho dhaawac marka uu raaxaysanayo, laakiin waxa ay ogaadaan ama dareemaan dhaawaca maalinta dambe ee xaaladu degan tahay. Waliba dhaawaca ayaa qaar waxa uu gaarsiiyaa in ay maalinta dambe aadin shaqada oo ay guriga joogaan.


Hadaba meesha ugu

khatarsan ee lagu sameeyo raaxada guurka ayaa ah kursiga qolka fadhiga, halkaas oo ah meesha dhaawaca ugu badani ka dhaco. Ilaa 10% ayaa ayaguna ka dhaca sariiraha marka ay ku jiraan xiliga jacaylku marayo meesha ugu saraysa.

Baadhitaanka ayaa waxa ka mid ahaa in la waydiiyay dadkii la waraysanayay alaabata ku jajabta xiliga la raaxaysanayo.

Alaabta u badan jajabka ayaa ah dhalooyinka wax laga cabo ee u dhow meesha ay ka dhacayso raaxada guurku. Laakiin ta sida caadiga jabtaa waa sariirta oo ah meesha jacaylku salka dhigo.

Afhayeen u hadlayay phonepiggybank ayaa waxa uu ku taliyay in ay haboon tahay in wadada laga sii faaruqiyo alaabta ku jajabi karta xiliga galmada, taas oo u keeni karta lamaanayaasha dhaawac











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment