Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow gaaray degmada Caabudwaaq, halkaasii lagu soo dhoweeyay.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa waxaa socdaalkooda la sheegay inuu la xiriiro, sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada degmada Caabudwaaq oo dhowr jeer ay dagaalo ku dhex mareen maleeshiyo beeleedyo.
Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada hada la kulansan, iyagoo kala hadlaya arrimaha nabadgelyada iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan degmada.
Waxaa uu isku dayayaa sidii odayaasha kaaba qabiilada deegaanka kala hadlo sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa, isla markaana maamulkiisa doonayo inuu dib u heshiisiin dhex dhigo.
Waa socdaalkii u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxo deegaanada maamulkiisa, tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment