Bulsha:- Tobaneeyo ruux oo u badnaa haween ayaa ku neef qaba-toobay banaan bax lagu taageerayay boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ka dhacay Garoonka Banaadir Stadium ee degmada C/casiis.
Dadkan ayaa naqaska ku xirmay kuleelkii iyo ciriirigii ka jiray Isbartiibada, waxaana ku jiray haween uur lahaa, warbaahinta qaar ee Muqdisho ayaa sheegaya inay jirto dhimasho, hase ahaatee wali lama xaqiijin karo.
Gaadiidka Ambalaasta ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daad-gureynta dadka ku neef qabatoobay garoonka, xilli saxmad badan ka jireen.
Illaa 11 Haween ayaa la geeyay Isbitaalka Umadda ee degmada C/casiis, waxay u badnaayeen haweenka ka tirsan degmada Wadajir, sidoo kale waxaa jira haween kale oo isbitaalada kale la geeyay.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa ku mashquulsanaa la tacaalida xaalada haweenka ee ku neef qabatoobay garoonka Banaadir Stadium, waxaana ay ku sugnaayeen Isbitaalada qaar.

Dadkii isugu soo baxay banaan bixii maanta ayaa u badnaa haween laga soo uruuriyay degmooyinka oo gaadiid looga soo qaaday, waxaa qaarkood la isla dhex marayay in lagu soo waday in mucaawino la siinayo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment