Bulsha:- Bannaan bax lagu taagerayo barnaamijka xasilinta Caasimadda iyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga iyo shacabka oo ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 30 Kun ayaa haatan ka socda Garoonka Koonis.
Sidoo kale waxaa taageero loogu muujinayaa boqolka maalmood ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xilka Hayey.
Kumanaan ruux oo badan haween ayaa ka qeyb qaadanaya banaan baxa, kuwaasoo saakay gaadiid looga soo qaaday degmooyinka, waxaa ay wataan calanka Soomaaliya, fanaanado iyo Koofi uu ku sawiran yahay Madaxweynaha.
Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona banaan, baxa, taasoo noqoneysa khudbadii u horeysay ee uu shacabka u jeediyo.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Madaxweynaha oo ka dhaca Muqdisho.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment