Bulsha:- Dowlada Imaraadka Carabta ayaa la ogaaday inay dowladda Turkiga u maleegeyso shirqool halis ah.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la ogaaday inay lacag gaareyso 3 Bilyan ku bixisay sidii loo ridi lahaa dowladda Rajeb Dayyib Erdogan sida ay hadda faafiyeen warkaan saxaafadda dalka Turkiga.
Mevlüt Çavuşoğlu oo ah wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in Dowlad Carbeed ay 3 Bilyan ku bixisay sidii loo ridi lahaa Turkiga, iyadoo qeyb weyn ka qaadatay afgambigii la doonayey in sanadkii 2016 lagu rido madaxweyne Erdogan, Wasiirkana ma uusan magacabin dowladaas.
Waxaa arrintaan kashifay oo daaha ka qaaday Qoraa lagu magacaabo Mehmet Acet oo sheegay in dalka carbeed ee afgambigaas ka dambeeyey uu yahay Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanidihii dambe bilowday saameyn ku yeelatay wadamo badan oo ka tirsan adduunka, waxayna isbiday awood dheeri ah oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment