AKHRISO: Mashaariicda Sacuudiga ee mowqifkii arrinta Qatar u xayirmay

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay mashaariic fara badan oo Boqortooyada Sacuudiga ay maalgelin doonto.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegay Sacuudiga, isagoo codsaday in  dowladiisa la siiyo lacag dhan 4 Bilyan oo Doolar.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/Casiis ayaa amar ku bixiyay in Soomaaliya laga taageerayo baahida ay qabto, iyadoo markaas kadib laga dalbaday inay dowladda Soomaaliya la timaado mashaariicdii loo maalgelin lahaa.

Xukuumadda Soomaaliya ayay ku qaadatay 2 bilood inay diyaariso qorsheynta mashaariicda la horgeynayo Sacuudiga, iyadoo ugu danbeyn wafdi ka kooban lix wasiir ay qorshahaasi geeyeen Sacuudiga.

Guddi ka socda Hay’adaha Saccuudiga ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirada Soomaalida oo u sharxay mashaariicda ay doonayaan in Sacuudiga maalgeliyo.

Mashaariicda waxaa ka mida:

  • Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah – Duleedka Muqdisho
  • Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya – Duleedka Muqdisho
  • Dhismaha Wado ilaa 230 KM
  • Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood
  • Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo
  • Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha
  • Mashaariic shaqo abuur
  • Sacuudiga ayaa dib u eegaya qorshahan, waxaana la sheegay in heshiisyada labada dal lagu saxiixi doono kulan heer sare ah oo madaxda labada dal ay isugu imaan doonaan.


Arrimahan oo dhan waxaa mugdi geliyay mowqifka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Dalalka uu Sacuudigu hoggaaminayo ee Khaliijka iyo Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqfi dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhaxeeya dalka Qatar, waxaana Muqdisho yimid La-taliyaha Boqorka Sacuudiga Axmed Al-khadiib, iyadoo madaxweyne Farmaajo ku adkeystay mowqifkiisa.

Waxaa laga cabsi qabaa in lacag gaareysa 50 Milyan oo Doolar oo Sacuudigu u siiyay Soomaaliya kabka miisaaniyadda iyo maalgelinta dhan 4 Bilyan oo Doolar lagu waayo mowqifka Soomaaliya ka qaadatay xaaladda ka taagan Khaliijka, taasoo bedelkeeda aan la ogeyn waxa uu noqon doono.

Isha Warka Goobjooge.com










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment