Bulsha:- Hogaamiyaha ugu sareeya dalka Iran Ayotullahi Khumeni ayaa shaaca ka qaaday inay adkaan doonto in Iran ay xiriir la sameyso dowlada Mareykanka oo uu sheegay inay Hooyo u tahay Argagixisada Caalamka.
Ayotullahi Khumeni, ayaa tilmaamay in dowlada Mareykanka ay laheyd aasaaska Kooxda Daacish oo uu sheegay in laga lahaa ujeedo fog.
Waxa uu Ayotullahi Khumeni sheegay in dowlada Mareykanka ay dhaqaale xoogan ku bixiso Daacish, iyadoo laga duulaayo burburinta dalalka Islaamka ee iminka la kala dhex dhigay calaaqo xumi liidata.
Ayotullahi Khumeni, waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka danbeeyay weerarkii maalmo un ka hor ka dhacay Xarunta baarlamaanka Iran ee lagu laayay ugu yaraan 17 qof.
Waxa uu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday Kooxda Daacish oo garab ka heleysa dowlada Mareykanka maalmo un kadib markii ay dowlada Sacuudiga eedeymo usoo jeedisay dowladaha Qadar iyo Iran.
Ayotullahi Khumeni, ayaa hadalkani ka sheegay kulan uu ka qeybgalay oo u dhexeeyay saraakiisha sare ee militariga Iran, waxa uuna wadaadka cadeeyay in aasaaska Daacish ay ka danbeeyen Maraykanka iyo xulafada uu ku leeyahay Bariga dhexe gaar ahaan Sacuudiga.
Waxa uu sidoo kale, sheegay inay jiraan cadeymo muujinaaya xiriirka ay Daacish la leeyihiin Mareykanka iyo Sacuudiga.
Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa horey isaga fogeysay inay ku lug leedahay weerarkii ugu horeeyey ee kooxda Daacish ku qaaday magaalada Tehran ee caasimada Iran.
Si kastaba ha ahaatee, hadalada Khumeni ayaa kusoo beegmay xili Sacuudiga iyo xulafadiisa Khaliijka ay cadaadis saareen dalka Qatar oo ay ku sheegeen inuu yahay dal taageera kooxaha xagjirka ah.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment