Bulsha:- Mahad Mahamud oo ay dowladda Norway sharciga kala laabatay ayaa shaaca ka qaaday in uu helay dokumenti ay usoo sameysay dowladda Soomaaliya kaas oo uu doonayo in uu dalka Norway kaga boxo islamarkaaga uu u guuro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Mahad ayay dokumentiyadani kasoo gaareen safaaradda Soomaaliya ee Bilgum-ka, waxaana uu iminka ka codsanayaa hay`adda IOM (International Organization for Migration) in ay u fududeyso kharashka tigidkii uu ku raaci lahaa diyaaradda si uu dalkiisa dib ugu laabto.
“Waxaan iminka gacanta ku haystaa oo aan dowladda Soomaaliya ka helay dokumenti, taasina waxa ay caddeyneysaa in aan ahay muwaadin soomaaliyeed”, ayuu warbaahinta gudaha Norway ku yiri mr. Mahad.
Is jiid-jiid dheer kaddib iyo maxkamad ay isla koreen Mahad iyo hay`adda sharciga kala laabatay ee UNE ayaa waxaa lagu soo gaban-gabeeyay in hay`aadu xaq u laheyd in ay sharciga kala laabato Mahad oo lagu eedeeyay ka been sheegid halka uu asal ahaan kasoo jeedo oo ay dowladda Norway aaminsan tahay in uu Jabuutiyaan yahay.

Racfaan uu ka qaatay go`aankii maxkamadda ayaa waxaa loo asteeyay taariikhda 25. oktober ee sannadka 2018, balse Mahad ayaa sheegay in uusan haysan wax uu kusii sugo mudadaasi oo uu door-bidayo in uu dalkiisa ku laabto.
Mahad ayaa dalka Norway ku noolaa mudo 17 sano ah, waxaana uu qiray in mudadaasi dheer ay aheyd mudo taariikhdiisa nolosha saameyn ku reebtay islamarkaana aad u wanaagsanaa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment