Bulsha:- Dowlada dalka Qadar ayaa waxaa soo wajahay xaalad adag oo dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha ah, kadib markii qaar kamid ah wadamada Carabta ay shaaciyeen in ay xariirka u jareen Dowlada Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah.
Qaar kamid ah Wadamada xariirka u jaray Qadar ay ku jiraan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa maalmo u qabtay in dalalkooda uga baxaan muwaadiinta u dhashay dalka Qadar, waxaana dadkaasi lagu amra in dalkooda dib ugu laabtaan.
Dowlada Qadar ayaa go’aan ka duwan midka ay qaateen Dowladaha xariirka u jaray qaadatay, waxa ayna Shaaca ka qaaday in dalkooda aysan ka eryi doonin muwaadiininta kasoo jeeda dalalka xariirka u jaray muwadaiintoodana soo eryay.

Wakaalada Wararka dalka Qadar ayaa shaacisay in Muwaadiniinta u dhashay Sacuudiga iyo Wadamada kale ee xariirka u jaray dalkooda aan laga eryi doonin dalka Qadar, waxaana dalka Qadar jooga Muwaadiniin badan oo u dhashay wadamada xariirka u jaray dalkaasi.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment