Deepika Padukone Oo Sameyn Doonto Filimka Looga Hadlaayo Nolasha Saina Nehwal

Bulsha:- Waxaa maal mooyin ka hor idinla wadaagnay in gabadha looga haray ciyaarta badminton ee hindiya u dhalatay Saina Nehwal filimka looga hadlaayo nolasheeda in ay sameyn doonto Shraddha Kapoor.

Laakiin maanta waxaa la hadal heeya in Deepika Padukone sameyn doonto filimkaan sida aan wada ognahay Deepika waxaa aabo u ah Prakash Padukone oo ka mid ahaa ciyaar yahaanada ciyaari jiray badminton.

Sido kale Deepika iyadaba waa qof jacel ciyaartaan oo inteysan ku biirin Model-ka iyo bollywood-ka ciyaari jirtay sidaas daraadeed waxay fursad u heysataa inay sameyso filimkaan looga hadli doona nolasha Saina Nehwal.

Deepika ayaan sheegtay in si daacad ah u sameyn doonto filimlooga hadlaayo qof nolashiisa dhinaca kale Deepika waxay ku mashquulsan tahay duubista filimka Padmavati oo kula wehliyaan Shahid Kapoor Iyo Ranveer Singh.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment