Wax ka ogoow Qisada Dhaqtarad u dhalatay Dalka maraykanka oo diinta islaamka qaadatay.

Bulsha:-  Dhaqtarad oo lagu magacaabo Oriifa ayaa ka shekaynaysa sida ay ku soo Islaamtay waxaana ay leedahay “ Waxaan ahaay Dhaqtarad cudurada haweenka iyo dhalmadda, oo ka shaqeynayay mid ka mida cisbitaaladda dalka Maraykanka, Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa ii timid haweeneey Muslimad ah si ay isbitaalka ugu umusho. Waxaa ay ahayd mid xanuun saa`ida dareemaysa dhalmada ka hor.

Iyada oon wali dhalin ayaa la gaaray xiligii aan shaqada ka bixi lahaa waxaan I badalayay dhaqtar Nin ah oo waqtigii shaqada uu lahaa la gaaray, haweynayda Muslimada ah waxaan u sheegay in aan baxayo oo Dhaqtar kale uu u imaanayo, Haweyneydii waxaa ay bilaawday in ay ooyso oo qeyliso iyada oo dhahaysa ma doonayo in nin idhaliyo madoonayo in nin inuu taabto jirkayga.

Waan la yaabay Hadalkeeda ayeey tiri dhaqtaradii. Ninkeeda ayaa iisheegay in yasan doonaynin in uu ruux ajnabi ka ah arko ama usoo galo Qolka, tan iyo nolosheeda Wajigeeda ma arkin Waalidkeed Walaalaheed iyo ninkeeda maahine Rag kale oo ajanabi ka ah.

Dhaqtaradii waa ay qososhay waxaana si layaab leh u tiri “ uma malaynayo in uu jiro nin maraykan ah oo aanan arkin Wajigayga iyo jirkayga qeybaha ka banaana. Dhaqtaradii waa ay aqbashay in ay maalinkaasi iyada joogto oo waqti kale shaqeyso, iyada oo dalabka gabadha Muslimada ah fulinaysa, weyna umulisay gabadhii.

Sacaado ka dib ayaa Dhaqtaradii waxaa ay usoo gashay gabadhii si ay xaaladeeda u eegto una sheegto waxyaabaha loo baahanyahay in ay samayso inta ay umusha tahay, waxaana ay ku tiri in badan oo ka mida haweenka maraykanka marka ay dhalaan waxaa ay lakulmaan Caabuq Gudaha sababo la xariira joogtaynta Galmada dhalmada ka dib , waxaa ay ku war galisay in dhalmada ka dib ugu yaraan Afartan Cisho aysan samayn galmo,Baaritaanada cilimiga ee casriga ah ayaa sidaasi ku talinaya, sidoo kalana waxaana ay kula talisman in ay Cunto raashin wanaagsankana fogaato waxyaabaha siyaadinaya cayilka saa`idka ah.
Hase ahaate haweynayda Muslimada ahayd ayaa u sheegtay in waxyaabahaasi oo dhan ay ogsoon tahay dadka islaamka ahna la faray in 40 Maalmood aysan xaasaskooda u tagan Dhalmada ka dib ka dib, iyo Xiliga uu dhiiga Caadada Qabaan inta ka dahaaro qaadanayaan, sidoo kalan salaadaha iyo Soonka laga cafiyay mudadaasi si Cuno fiican ay u hesho hooyada iyo dhalaankeeda.

Markii ay maqashay Dhaqtaradii arinkaasi markale ayeey yaabtay afka ayeey gacanta saaratay, waxaana ay tiri tacaaliinta islaamka wax laga bartay 1400 sano ka hor, ayuu cilmigu Sayniska Tijaabooyin badan ka dib gaaray.

Subaxii xigay ayeey usoo gashay si ay hooyada iyo dhalaankeeda u soo fiiriso, waxaana ay ku tiri waxaad dhalaanka useexisaa dhanka Midig si nidaam quman ula qabsado dhaqdhaqaaqa wadnaha, Aabahii ayaa ku yiri dhaqtarada, waan u seexinaa dhinac Midig inaga oo Dabaqayna Sunada Rasulka CSW.

Dhaqtarada waa ay la cajabtay arinkaan waxaana ay dhahaday hadlkeedii Caanka ahaa “ Da`deena ayaa ku dhamaatay sidii aan cilmigaan u gaari lahayn iyagan waxaa faraysa Diintooda, waxaana ay go`aaansatay in ay barato Diintaan islaamka ee wayn, cisbitaalka ayeey ka qaadatay fasax mudo bil ah iyada oo aaday magaalo kale oo xarun diinta islaamka lagu barto ku taalo, bil ka dibna waxaa ay ku dhawaaqday Islaamnimadeeda.

Alaahu Akbar, Umada muslimiinta ah hadii ay diintooda si dhab ah u raacaan dhaqankooda oo kaliya ayaa umada kale u ah Risaalo ay Hanuunka ku arkaan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment